Guddoomiyaha UCID Oo Naqdiyay Hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi

0
1096

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa naqdiyay  hadalkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ee ahaa  in aanay Soomaaliya wax wadahadal ah la furaynin ilaa ay aqoonsadaan mdax banaanidda Somaliland.

Kadib hadal uu doraad madaxweyne Biixi ka jeediyay magaaladda Burco oo uu safar ku joogay. Hase yeeshee Eng. Faysal Cali Waraabe,  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid aanu madaxweynuhu kelidii go’aankeedda lahayn, isla markaana  tallo qaran lagu gaadhay markii Soomaaliya sanadkii 2012-kii wadahadalka lala galay.

“Arrintaasi arrin uu go’aamin karo ma aha. go’aan  qaran ayuu ahaa, oo sanadkii 2012-kii  ay qaateen axsaabta, dawladda, golaha wasiirrada iyo baarlamaanku.  Waana danteena iyo ta Soomaaliya-ba, waana danta Somaliland wadahadaladda in aynu wadno.

Waana in aan dadka Soomaaliyeed si wanaagsan u kala baxno, oo aynu marno wadadii lagu kala bixi lahaa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe u waramay BBC kadib shir jaraa’id oo uu magaaladda Hargaysa ku qabtay.

Guddoomiyaha UCID  oo  la waydiiyay su’aal ahayd in go’aanka  arrinkaasi  ay  xukuumadu  awood u leeyahay, isla markaana markii hore ay xisbiyadda ku marti qaaday ka tallo bixinteedii, waxa uu ku jawaabay “Maya. Go’aankii casuumadda markii la keenay ee la yidhi shirkii London ka soo qayb gala.

Madaxweynihii xiligaa (Siilaanyo), saddexdayadda xisbi-ba wuu noo yeedhay, guddi ayaa loo saaray, guddidii ayaa go’aamisay, oo tidhi waa in aynu ka qayb gal naa, oo shuruuro lagu xidhaa

Shuruudihii na waa na looga soo jawaabay, oo dadkii shirkii Ingiriiska  maamulayay ayaa nooga soo jawaabay, markaas kadib ayaa baarlamaanka la geeyay”ayuu yidhi Eng. Faysal.

Isagoo hadalka sii watay na waxa uu yidhi “Fulinta madaxweynuhu wax na xaq ayuu u leeyahay in uu fuliyo, wax na waa arrin qaran, oo waa masiirkii Somaliland, nin qudha iyo laba qof ma goyn karaan.  2012-kii  shirkii laga qayb gelayay muu goynin Siilaanyo, C/raxmaan Cirro-na ma goynin, ee waxay ahayd tallo loo codeeyay, saddexda xisbi-na ka tallo qaateen”.

Geesta kale Eng. Faysal,  ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababta uu madaxweyne Muuse Biixi u diiday in   wax wadahadal ah lala gallo Soomaaliya.

Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Haddii uu diido madaxweynuhu, halkii ay danteenu ku jirtay, oo sidii uu iigu yidhi maxaad ka doontay Farmaajo, oo caqligiisu sidaas uu yahay madaxweynaha, markaa xagee ayuu ictiraaf ka doonayaa?

Ma wuxuu doonayaa in uu Somaliland cidlo ku hayo? Markaa waxaa muuqata in madaxweynuhu zero ka yahay siyaasadda arrimaha dibadda”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here