Hargaysa (Hargeisa Press): Waxaa weli taagan tabashadda nidaamka saa-qaybsiga goboladda Awdal, Sool iyo Sanaag bari ee doorashadda Golaha Wakiiladda.
Iyadoo doodda wax ka bedelka xeerka doorashooyinka oo dhawaan golaha Wakiiladda la hor keenay ay qaadaceen in ay ka qayb galaan xildhibaanadda beelaha darafyadda Somaliland dega.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo ka hadlay qaadacaada xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee beelaha darafyadda ayaa sheegay in doorashooyinka carqalad ku keenayso.
Eng. Faysal, waxa uu tilmaamay in xildhibaanada diidan in doorashooyinka golaha Wakiiladda sidii hore loo gallo in ay tabashadoodda mariyaan nidaam xisbinimo.
Maadaama oo ay xisbiyo ka soo kala jeedaan, balse ay foolxump weyn tahay in ay ku kala abtirsanadaan qabaa’il.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.