Guddoomiyaha UCID Oo Hambalyeeyay Ciidanka Qaranka Garaaddada-na ugu Baaqay Nabad

0
291

Hargeysa (HP): Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hambalyeeyey Ciidanka Qaranka sida ay isaga difaaceen kooxaha huwanta ee weerarka ku soo qaaday.

Guddoomiye Faysal, oo xalay fariin ku baahiyey bartiisa Twitter xalay ayaa ugu baaqay Garaadada inay nabada qaataan, isla markaana waxii tabasho ay qabaan miiska wadahadalka lagu dhameeyo.

Fariintaasina waxay u dhignayd sidan:

“Anigoo ka xun dagaalkii manta (shalay) ka dhacay magaalada Laascaanod.

Waxaan hambalyeynayaa Ciidanka Qaranka JSL ee iska difaacay dagaalkii kooxaha huwanta ku soo qaadeen”.

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa fariintiisa waxa uu baaq nabadeed u diray Garraadada gobolka Sool ee colaadda ku baaqaya.

“Waxaanan Garaaadada ugu baaqayaa inay nabada qaataan, wixii tabasho ahna miiska wada hadalka lagu dhameeyo”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here