Guddoomiyaha SOLJA Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Xidhiga TV-yadda Star iyo Universal

0
527

Hargaysa (HP): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa canbaareeyay tallaabadda ay xukuumadda Somaliland ku xidhay labadda telefishan ee madaxa banaan ee Star TV iyo Universal Tv.

Guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa tallaabadaasi ay xukuumadda somaliland ku xidhay labadan Tv ku tilmaamay mid sharciga saxaafadda ee somaliland baal-marsan.

Xuuto, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta ee ururka SOLJA ee magaaladda Hargaysa waxa kaloo uu sheegay in aanay ilaa hadda wasaaradda warfaafinta Somaliland ka haynin wax cadayn ah oo la xidhiidha sababta lagu xidhay telefishanadani.

Daawo: Guddoomiye Xuuto Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here