Guddoomiyaha SOLJA Oo Musuq Maasuq Ku Eedayay Wasiirka Warfaafinta

0
1124

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa wasiirka warfaafinta Somaliland ku eedeeyay inuu sameeyay musuq maasuq.

Waxaanu ku baaqay in loo baahan yahay in hantidhawrka qaranku ay baadhitaan ku sameeyaan wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo maanta warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in wasiir Koore, uu lunsaday dhaqaale fara badan oo loogu tallo galay horumarinta warbaahinta madaxa banaan iyo xataa shaqaalaha wasaaradiisa.

Geesta kale guddoomiyaha SOLJA ayaa ku gacan saydhay waraaq uu xalay soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore.
Waraaqdaasi oo uu wasiirku ku amrayay in ay waasaaradda warfaafinta iska soo diiwaangeliyaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka ka hawl gasha.

Arrintaasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay guddoomiyaha SOLJA, isla markaana aanay wasaaradda warfaafinta xaq u lahayn diiwaangelinta warbaahinta.
Balse uu ururka SOLJA leeyahay masuuliyadda arrintaasi, sida uu dhigayo xeerka saxaafadda Somaliland.

Daawo: Shirka Jaraa’id Ee Xuuto:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here