Guddoomiyaha SOLJA Oo Ka Hadlay Weriyeyaal Lagu Xidhay Boorama

0
615

Hargaysa (Hargeisa Press): Afar saxafi ayaa la sheegay in shalay lagu xidhay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Xadhiga weriyeyaashani ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay maayarka magaaladda Boorama.

Afartan weriye ee la xidhay ayaa ka hawl gela qaar ka mida telefishanadda madaxa banaan ee Soomaalida.

Hase yeeshee weriyeyaashaasi ayaa maanta la sii daayay, kadib markii ay saacado badan xidhnaayeen.

Sida uu sheegay guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, oo maanta warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaba SOLJA ayaa xadhiga weriyeyaasha Boorama lagu xidhay ku eedeeyay inuu amray maayarka Boorama.

Kaasoo ku andacooday in weriyeyaashaasi ay ka faafiyeen warar khaldan.

 

DAAWO: SHIRKA JARAA’ID EE GUDDOOMIYAHA SOLJA:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here