Guddoomiyaha SOLJA Oo Dhaliilay Guddiga Covid-19 iyo Guddiga Oo Iska Difaacay

0
629

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland  ayaa ku eedeeyay guddiga la tacaalida Coronavirus ee heer qaran in ay musuq maasuqeen dhaqaalihii wacyigelinta xanuunka ee warbaahinta loo qoondeeyay.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirib dhaqaalaha ay sheegeen in guddigaasi ay ku bixiyeen wacyigelinta caabuqa Coronavirus ee warbaahinta dawliga ah iyo ta madax banan.

Qaabkii loo qaybiyay caawimooyinka daawadda ee la soo gaadhsiiyay guddiga ka hor taga Covid-19 ee heer qaran iyo doorka ay warbaahin ahaan ka qaateen wacyigelinta xanuunkaasi.

Guddoomiyaha ururka SOLJA oo maanta warbaahinta la hadlay  ayaa si gaara ugu eedeeyay xoghayaha guddiga Coronavirus ee heer qaran oo uu sheegay in uu diiday in uu warbixin rasmiya ka siiyo nidaamka loo maamulay lacagta wacyigelinta.

Halkan Ka Daawo Hadalka Guddoomiye Xuuto:

Dhinaca kale xoghayaha fulinta guddiga heer qaran ee guddiga ka la tacaalidda Coronavirus Xuseen Aadan Cige (Dayr), oo isna isla maanta ka jawaabay hadalka guddoomiye Xuuto ayaa  sheegay in aanyu guddoomiyaha SOLJA nidaamka sharciga ah u soo marin arrinta uu rabay.

Waxaanu ku dhaliilay in aanu fahamsanayn waajibaadkiisa shaqo waxyaabaha uu waydiiyayna aanu xaq u lahayn, isla markaana uu doonayo in uu u hawl gallo sidii hantidhawraha guud ee qaranka oo kale.

Daawo: Xuseen Dayr Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here