Guddoomiyaha Salaxley Oo Lacag Ku Wareejiyay Guddiga Dawga Cad

0
429

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha degmadda Salaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen (shiine), ayaa lacag ku wareejiyay guddiga dhismaha Wadadda isku xidhaysa magaalooyinka Hargaysa, Ina Guuxaa iyo Salaxley.
Lacagtaasi oo dhamayd 100 milyan oo shillinka Somaliland oo u dhiganta $12000 oo dollar ayaa qayb ka ah dhamaystirka jidkaasi oo muddo sanado ah socday.
Guddoomiye Shiine, ayaa u mahad celiyay cid kastoo ka qayb qaadatay dhismaha Wadadda Cad ee isku xidhaysa magaalooyinka Hargaysa, Ina Guuxaa iyo Salaxley.
Waxaanu sheegay in mar kastoo xataa 1KM lagu kordhiyo dhismaha jidkaasi ay qayb ka qaadanayso korodh ku yimaadda dakhliga degmadda Salaxley.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here