Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo soo Bandhigay Dakhiliga ka soo Xerooday Maxkamadaha Somaliland sannadkii 2018-ka

0
1011
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo ka warbixiyey is-barbardhigga dacwadaha soo galay Maxkamadaha labadii sanno ee u dambeeyey + dambiyada sare u kacay iyo waxqabadkooda 2018-ka

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa soo bandhigay dakhliga guud ee ka soo xerooday Maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliland sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo saxaafadda kula hadlay Xarunta Maxkamadda Sare ee Caasimadda Hargeysa dhawaan, ugu horayn waxa uu si guud uga warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay Maxkamadaha Somaliland sannadkii hore, isagoo sidoo kale is-barbardhig ku sameeyey dacwadaha soo galay Maxkamadaha sannadkii 2018-ka iyo sannadkii ka horeeyey ee 2017-ka.

“Waxa sannadkan (2018) na soo galay 15480 (shan iyo toban kun, afar boqol, siddeetan) dacwadood guud ahaan, sannadkii horena (2017) waxa guud ahaan na soo galay 11955 (kow iyo toban kun, sagaal boqol, konton iyo shan) dacwadood. Labadaas sannadood ee 2017 iyo 2018, waxa ay is-dheeryihiin 3,525….Marka aad eegto dhinaca korodhkana 83%, ayaa la soo afjaray dacwadihii na soo galay sannadkii hore ee 2017 oo guud ahaan dacwadaha dhammaaday waxay dhan yihiin 9952 dacwadood, sannadkana (2018) waxa la soo afjaray 12913 oo ah 84% oo dacwadaha guud ahaan ah. Marka aad eegto korodhka kordhay ee ah dacwadaha ciqaabta iyo madaniga ah, inta madaniga ah ee la soo afjaray waa 59%, dacwadaha ciqaabta ah ee la soo afjarayna waa 41% oo iyagana faraqaas ayaa u dhexeeya,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Haddii aynu nimaadno dhinaca fulinta ah oo iyagana aynu is-barbardhigno. Horta dacwadaha fulinta ah ee sannadkan (2018) na soo galaya waa 1670 dacwadood, sannadkii horena (2017) waxa na soo galay 1346 dacwadood. Faraqa u dhexeeya labadaas sannadood ee 2017 iyo 2018 waa 324 dacwadood, marka aan u eegana dawcadaha dhammaaday ee fulinta ah sannadkii 2018 waa 1394 dacwadood oo celcelis ahaan (percentage) u dhigma 83%, dacwadaha hadhay ee ahaa sannadkii 2018 ee weli socdaa waa 276 dacwadood oo keliya, taasoo noqonaysa 17%. Marka aan barbardhigno sannadkii hore ee 2017 waxa dacwadaha fulinta ah dhammaaday 920 dacwadood oo noqonaya 68%, dacwadaha hadhayna waxa ay ahaayeen 32%. Markaa farqiqa u dhexeeya waad arkaysaan oo dacwadaha la dhammaystiray sannadkii 2018 waa 83%, halka uu sannadkii 2017-ka ahaa 68%. Markaa haddii aan si guud u sheego, korodhka dacwaduhu sare ayuu u socdaa, shaqooyinka dhammaystirka dacwaduhuna sare ayuu u socdaa oo in dacwadahaas dhammaystirkoodu kordho waxa iska leh garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyeyaasha, qareennada difaacayey iyo Booliska, waana dedaal ay sameeyeen hay’adahaas oo dhan.”

Dakhliga ay Maxkamaduhu soo xereeyeen

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay dakhliga ka soo xerooday guud ahaanba Maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliland sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka, waxaannu yidhi; “Maxkamaduhu waa goob dakhli-ururin ah oo weyn oo cashuur ha laga qaado ama dacwadaha soo gelaya ha laga eego, markaa sannadkii dhawaa dakhligu aad ayuu sare ugu kacay oo lacag ku dhaw ilaa siddeed boqol oo kun ($800,000). $6005600 (lix boqol oo kun, shan kun iyo lix boqol oo doollar) waxa ay ka soo xeroodeen guud ahaan marka aad eegto Maxkamadaha waddanka oo dhan, markaa isku-gaynta waddartoodu waxay ku dhaw dahay ilaa $800,000 doollar, iyadoo aannu hayno tiro-koobka dakhliga guud iyo Maxkamad walba waxa ay soo saartay, markaa halkaas ayaad ka arkaysaa oo waa lacag ama dakhli aad u badan, Maxkamaduhuna waa ilaha ugu waaweyn ee dakhli-ururinta.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale sheegay in sare loo qaaday aqoonta iyo heerka waxbarashado ee Hawlwadeennada bahda garsoorka, waxaannu yidhi; “Sannadkan dad isugu jira garsoorayaal, kaaliyeyaal, Xeer-ilaaliyeyaal, Qareenno iyo hawlwadeennada kale ee caddaaladda ah oo aanay tiradoodu ka yarayn 350 qof ayaa waxa ay heleen waxbarasho gaaban iyo waxbarasho muddo dheer ah, markaa haddii aan tusaale ahaan sheego tirada ardayda wax ka dhigta Jaamacadaha, waxa aannu sannadkan (2018) oo qudha gaynay arday tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 50 qof. Tababarrada gaagaabanna (short courses) waxa qaatay 280 qof oo bahda garsoorka ah, markaa tayeynta awooddu (capacity building) sare ayey u kacday, waana qayb ka mid ah oo sannad walba sare u sii kordhaya, waana qaybta ugu muhiimsan istaraatiijiyadda noo qoran ee noo diyaarsan ee aannu raacayno.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray inay jiraan deeqo-waxbarasho muddo dheer ah (Scholarship) oo bahda garsoorku ay ka helaan qaar ka mid ah jaamacadaha kala duwan ee dalka Somaliland, isagoo sheegay in Maxkamadda Sare ay heshiisyo la gashay Jaamacadaha, isla markaana ay jaamacad walba deeq waxbarasho siiso kolba tiro xaddidan oo ka mid ah hawlwadeennada garsoorka, halka sidoo kale uu caddeeyey inay jiraan in qaar ka mid ah jaamacaduhu ay garsoorka siiyeen waxbarasho kala badh laga dhaafay lacagta (50% fee discount), arrimahaas oo qayb ka ah dedaalka sare loogu qaadayo aqoonta bahda garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale sheegay in hawlwadeenno ka tirsan bahda garsoorku ay tababarro iyo aqoon-korodhsiyo kala duwan ugu baxaan dalalka jaarka la ah waddanka Somaliland, gaar ahaan dalal ku yaal qaaradda Afrika iyo Yurub, taasoo uu xusay inay qayb ka tahay tallaabooyinka sare loogu qaadayo dhismaha iyo tayeynta Hay’adaha Garsoorka Somaliland.

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu ka warbixiyey horumarka la xidhiidha dhinacyada dhismaha iyo qalabaynta xarumaha Hay’adaha Garsoorka, isagoo iftiimiyey in qurxinta iyo dhismayaasha lagu sameeyey Maxkamadaha dalku ay qayb ka yihiin sidii loo heli lahaa gar-naq dacwadeed oo sax ah, waxaannu sheegay in dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey guud ahaan dhismaha xarunta Maxkamadda Sare ee Somaliland.

“Maxkamadaha lixda Gobol ee dalka waxa aannu u qaybinay dhammaanba qalabka lagu shaqeeyo, sida kombuyuutarro, agabka xafiisyada, qalabka daabacaadaha (printers) iyo agabyada kale ee lagu shaqeeyo, iyadoo uu Gobol walba u sii qaybiyey degmooyinka hoos yimaad. Waxa kaloo socda in la wanaajiyo bilicda xarumaha garsoorka oo ah in dhir lagu beero, muqaalka guud iyo barxadda dhulka la wanaajiyo, lana ilaaliyo, dib-u-habayn weynna lagu sameeyo si ay meeshu u qurux badnaato, una noqoto meel ama degaan qurux badan oo caddaalad loo soo doonan karo oo ay bulshadu gar u iman karto,” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed.

Waxa kaloo uu warbixinta la xidhiidha waxqabadka sannadkii 2018 ku sheegay inuu aad u kordhay gaadiidka kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha iyo Bahda Garsoorka Somaliland, balse waxa uu caddeeyey in gaadiidkaas kordhay aanay weli si fiican u wada boolayn baahiyaha dhinaca gaadiidka ah ee ka jirta maxkamadaha dalka.

“Gaadiidku waa meelaha ay weli baahida badan naga haysato, laakiin haddana sannad walba waannu kordhinnaa oo dedaal badan ayaa yimi, waayo Maxkamaduhu waxa ay tagaan dhulka buuraha ah oo xeebaha ayey maraan, dhulka togagga ah ayey raacaan, degaannada bariga iyo galbeedkaba way tagaan oo dhul aan waddo marin ayey tagaan, markaa ma jiro wax ay uga baahi badan yihiin gaadiidka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Cabashooyinka dadweynaha

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa caddeeyey in la sameeyey maalin u gaar ah qaabilista dadweynaha cabashooyinka kala duwan qaba. “Meeshan waxa loogu adeegayaa waa bulshada, markaa waxa mabda’ naga ah oo aannu dhiirigelinay oo aannu waajib ka dhignay in la qaabilo bulshada. Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha oo dhan waxa ay waqtigooda ku bixiyaan 60% inay bulshada qaabilaan oo ay dhegaystaan qofka cabanaya oo ay eegaan ka (cidda) doonaysa in dacwad loo furo, arjiyadana qaabilaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxaannu intaas ku daray; “Dadku dhulkii ay wareegi jireen ee ay la’aayeen cid qaabisha way soo afjarantay, imminkana waa la sii xoojiyey, waxaanna jira in dadweynuhu ay leeyihiin maalin dhan oo ay Maxkamadda Sare ku dhegaysato cabashooyinkooda oo ah maalinta dadweynaha, taasoo ah in bulshada uun la qaabilo ee aan cid kale la qaabilin oo aanan qaabilin madax kale oo hawl kale u socota, wax dacwado kale aanan gelin, laakiin waa maalin la qaabilo bulshada oo qudha.”

Xidhiidhka Maxkamadaha Somaliland la leeyihiin caalamka

“Haddii aad gurigaaga uun yuururto oo aad eegi waydo waxa ka socda hareerahaaga, caalamka wax ka soo baran waydo oo aad garan waydo sida ay dunida kale u shaqayso, waxaaga yari way soo gudhayaan. Tusaale ahaan waxa jira waxyaabo badan ama dhinacyo badan oo ay Somaliland kaga horayso dalal badan oo dunida ah. Maxaa ka mid ah? Waxa ka mid ah sida looga hortago dambiyada abaabulan ee loo qaado ee loo dhegaysto. Markaa dambiyada abaabulan nooc walba way noqonayaan oo waxa ay noqonayaan tahriibinta dadka (human trafficking) ama shabakadaha isku xidhan ee dadka tahriibiyaha, waxa ay noqonayaan argagixisadda, hubka qayrul-sharciga ah ee la isku gudbiyo, waxa ay noqonayaan lacaga tuugada ah ama la kala dhaco ee la gudbinayo (Money Loundering).

Dambiyada Sare u kacay ee ka dhaca dalka Somaliland

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay inuu sare u kacay dambiyada ka dhasha falalka ay sameeyaan kooxaha dhallinyarada abaabulan ah, isagoo ku baaqay in talo heer qaran ah laga wada yeesho sidii wax looga qaban dhibaatooyinka ay ku kacaan da’yarta bulshada ku dhibaateeya xaafadaha magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Dambiyada sare u kacay waxa kow ka ah (ugu horeeya) kooxaha dhallinyarada abaabulan ee wax boobaya, kuna batay magaalooyinka waaweyn, arrintaasna horena waannu u sheegnay, sannad walbana sare ayey u sii socotaa oo garsoorka culays ayey ku hayaan, Booliska culays ayey ku hayaan, xabsiyada dalka culays ayey ku hayaan, mana aha arrin wax-ka-qabashadeedu ay anaga (bahda garsoorka) noo taalo oo anagu garta ayaannu qaadnaa oo ka (cidda) la soo eedeeyo ayaannu dhegaysannaa, laakiin waxa aannu halkan ugu baaqaynaa hay’adaha kale ee ku shaqada leh inay dhinacyada ka eegaan. Hay’adaas maxaa soo gelaya, waxa ugu horeeya waalidiinta, bahda tacliinta, bulshada guud ahaan oo ururrada bulshada ayaa ku jira, waana in arrintaas laga tashado oo la isku yimaado oo la yidhaahdo; “waar arrintani sare ayey u socotaaye, maxay tahay sababtu? Ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed.

Falalka dilka ah

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare tilmaamay inay sare u kaceen dambiyada dilalka ah ee ka dhaca degaannada kala duwan ee dalka Somaliland, isagoo soo jeediyey in daraasad iyo cilm-baadhisyo lagu sameeyo waxyaabaha sababta u ah dilalka iyo sidii xal loogu heli lahaaba.

“Waxa kale oo sare u kacay falalka dilka ah, waana arrin halis ah, waana in arrintaas la daraaseeyo (cilmi-baadhis) lagu sameeyo oo la ogaado waxa ay tahay sababta sii kordhinaysa falalka dilka ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY