Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan La Qaatay Garsooreyaasha Maxkamadaha Gobolka Maroodijeex

0
507
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed iyo xubno ka tirsan Guddiga caddaaladda, ayaa kulan ballaadhan la qaatay garsooreyaasha Maxkamadaha hoose ee gobolka Maroodijeex.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo ay wehelinayeen guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf, ayaa shir muddo saacado ah socday la qaatay garsooreyaasha, waxaana ujeeddada shirkani ahayd dar-dargelinta hawlaha sharci ee ka socda maxkamadaha hoose ee gobolka Mardoodijeex.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda sare, ayaa lagu sheegay in ujeeddada ugu weyn shiru ahayd sare u qaadida adeega sharci ee ay garsoorayaashu bulshada u hayaan iyo dadajinta dacwadaha si looga dheeraado in dacwadduhu jiitamaan.

Warku waxa uu intaas ku daray in shirka lagu lafa-guray anshaxa suuban ee Diinteenu ina fartay iyo sidii garsooreyaashu ugu dabbaqi lahaayeen masuuliyadda sharci ee ay umadda u hayaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi oo ugu horeyn kulanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey geedi-socodka shaqada iyo hufnaanta shaqo ee garsoorayaasha, waxaanay xuseen in ay aad u wanaagsan tahay wada-shaqaynta ka dhexeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa geestiisa guddoomiyaha warbixin guud oo ku qotanta shaqada garsoorayaasha la waddaagay, waxaanu ku dheeraaday kartida iyo dedaalka ay muujiyeen garsoorayaashu maadaama ay yihiin dabaqa-yaashii sharciga, sidoo kalana waxa uu ku booriyay in ay mar walba taxadar ku jiraan oo ay iska ilaaliyaan wixii kalsoonidooda waxyeelaya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa garsoorayaasha uga mahadnaqay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan, waxaanu uga digay in ay ku milmaan waxyaabaha sharaftooda dhaawacaya, maadaama garsooruhu bulshada dhex u yahay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tibaaxay in muddooyinkii u danbeeyay ay Maxkamadda Sare xoogga saartay tababarada la xidhiidha Shareecadda Islaamka, waxaanu xusay in ay sii wada doonaan arrintaasi si looga midha-dhaliyo hiigsiga ah garsoore maadi iyo Diiniba ka dhisan.

Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in ay ka wada hadleen wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo heli lahaa xeerka Qoysk iyo Rahanta oo baahi wayn loo qabo.

Ugu danbayn guddoomiyaha ayaa garsoorayaasha ku guubaabiyay in ay xoojiyaan, awoodooda akhriska iyo qoraalka, si ay dhugmo ugu yeeshaan xukunnada ay soo saarayaan.

Gabagabadii waxa warka lagu sheegay in shirkaasi ku dhammaaday jewi wanaagsan isla markaana la isla qaatay in la dardar galiyo adeega uu garsoorku bulshada u hayo, si hufana loo shaqeeyo iyadoo laga duulayo dhammaan akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada.

LEAVE A REPLY