Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyey Xildhibaan Ku Soo Biiray Golaha Wakiillada

0
1492

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa dhaariyay Xildhibaan Jamaal Maxamed Warsame, oo ka mid noqon doona golaha Wakiillada Somaliland, isaga oo buuxin doona xubin golahaas ka bannaanaatay.

War ka soo baxay maxkamada sare ee Somaliland, soona gaadhay warbaahinta Hargeisapress, ayaa u dhignaa sidan;-

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa dhaariyay mudane Jamaal Maxamed Warsame, oo ka mid noqonaya xildhibaanada golaha wakiillada.

Xildhibaan Jamaal Maxamed Warsame ayaa buuxiyay jago ka bannaanaatay golaha wakiillada JSL, taasi oo uu ka geeriyooday marxuum Axmed Maxamed Nuur, isla markaana golaha wakiiladu 20-kii bishan iclaamiyeen in jagada marxuumkaasi banaan tahay, marxuuka dhintay ayaa ka mid ahaa mudanayaashii Xisbiga UDUB ee laga soo doortay gobolka Togdheer, halka kaydka koobaad ee ku xigayna uu noqonayay Xildhibaan Jamaal.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 21-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in la buuxiyo jagada ka bannaanaatay golaha Wakiillada.

LEAVE A REPLY