Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad loo Sameeyey Maalinta Xornimada Dalka Djibouti + SAWIRRO

0
1150

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo loo sameeyey sannad-guurada 39aad ee ka soo wareegtay markii dalka Jabuuti xornimada ka qaatay gumaystihii Faransiiska 27 June 1977.

DJIB

Xaflad ay soo abaabushay safaaradda dawladda Jabuuti ku leedahay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland oo ka dhacday huteelka Maansoor xalay, waxa ka qaybgalay madax ka tirsan dawladda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID – Md. Muuse Biixi iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, madax kale iyo marti sharaf badan.

DJP

Guddoomiyaha iyo Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xafladdaasi, waxa hambalyo iyo bogaadin uu u diray Madaxweynaha, dawladda iyo shacabka Jabuuti kadib uu ka warramay taariikhdii dalkaasi u soo maray helitaanka xornimadiisa oo uu xusay inuu dhibaato badan kala kulmay.

DJ

Waxa kaloo uu Mudane, Muuse Biixi ka hadlay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti oo uu ku tilmaamay mid ku qotoma ama salka ku haya laba qoys oo walaalo ah oo wanaag mooyee aan waxba ka xumaan karin.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here