Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Oo Ka Warbixiyay Marxaladihii ay Jaamacadu Soo Maartay

0
356

Burco (Hargeisa Press): Gudoomiyaha Jaamacadda magaaladda Cabdi-baasid Cabdinuur Siciid, ayaa ka war-bixiyey maraaxilkii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay mudadda ay jirtay.
Sheikh Cabdi-baasid Cabdinuur Siciid, oo maanta gudaha jaamacadda Burco shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in jaamacadda mudadda ay shaqaynaysay ay ka baxeen 9 dufcadood oo bartay noocyadda kala duwan ee kuliyadaha waxbarasho ee ay jaamacadu bixiso.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay yoolka jaamacadda loo aasaasay oo uu tilmaamay inuu yahay in ay bixiso adeeg waxbarasho oo tayo leh, isla markaana ay soo saarto aqoon yahan dhab ah.
Kuwaasoo ka dhisan dhamaanba dhinacyadda kala gedisan ee aqoonta, iyo sidoo kale ka dhisan dhinaca aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaan ba.

DAAWO: Gudoomiyaha Jaamacadda Burco oo ka war-bixiyey maraaxilkii jaamacadu soo martay

.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY