Guddoomiyaha Hay”adda Shaqaalaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Jaamacada South Wales Ee Magaalada Cardiff

0
697

Cardiff (Hargeisa Press)– Guddoomiyaha hay”adda Shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa waxaa uu maanta magaalada Cardiff ee dalka Ingriiska kulan balaadhan uu la qaatay masuuliyiinta ugu sareeya Jaamacada South Wales ee Magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska.

Kulanka ayaa daba socday kulan hore oo daba socday iskaashi dhinaca Waxbarashada ah oo dhex mara Machadka Shaqaalaha Dawlada CSI iyo Jaamacada South Wales University.

Guddoomiyaha hay”adda Shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay islameel dhigeen islamarkaana ay kawada hadleen masuuliyiinta jaamacada South Wales iyo heshiisyo hordhac ah oo ay kala saxeexdeen.

“Waxa ilaahay mahadii ah in aanu maanta isla meel dhignay waxyaalaha nuxurka u ah iskaashiga iyo meelaha la iska kaashanayo oo qoraalkii ugu horeeyay isla dejinay islana waafaqnay in Aqoonta Master degree ku siman ilaa heer PhD la iska kaashado, iyadoo bisha October 2020 ay hawshaasi dhaqan gal noqon doonto, iyadoo lagu bilaabo doono arday kooban oo u badan shaqaalaha Dawlada insha allah”.ayuu yidhi guddoomiyaha hay”adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe.

Hoos ka akhriso nuxurka qodobada heshiiska

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here