Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Guddoomiyay Shir Ay Isugu-yimaadeen Agaasime-Waaxeedyada Haya’dda Shaqaalaha

0
673

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa maanta guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen dhamaan Agaasime Waaxeedyada haya’dda shaqaalaha dowladda.

Shirkan, ayaa waxaa lagu lafa-gurayay Qorshaha shanta sannadood ee hay’adda shaqaalaha dowladda, si loo ogaado waxaa ka qabsoomay iyo waxyaabaha u baahan in la dardar geliyo.

Intii shirkani socday, waxaa mid-mid la isu dul taagay qodobbada qorshaha shanta sanno, kuwaas oo mid kasta si faahfaahsan looga dooday fulintooda, halka ay marayaan iyo kuwa ay tahay in fulintooda la dedejiyo.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa kula dardaarmay saraakiisha shirka ka soo qayb gashay in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha hay’adda oo meel fiican maraya, isla markaana qorshe kasta oo la samaynayaa uu noqdo mid ka turjumaya hiigsiga shanta sannadood ee hay’adda shaqaalaha.

Guddoomiyaha, waxa shirka ku weheliyay Agaasimaha Guud ee hay’adda shaqaalaha dowladda.

Hay’adda shaqaalaha dowladda, ayaa waxaa ay u xil saaran tahay maamulka iyo kor u qaadista tayada shaqaalaha iyo adeegyada ay bixiyaan shaqaalaha dowladdu, iyada oo taas u maraysa qorshayaal si hufan loo diyaariyay oo ay fulinayaan saraakiisha hay’adda shaqaalaha dowladdu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here