Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Safar Shaqo Ku Tegay Burco

0
572

Burco (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta oo safar shaqo ku jooga magaaladda Burco ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Togdheer.

Waxaanu kormeer ku soo maray qaar ka mida xafiisyadda dowladda ee ku yaalla magaaladda Burco iyo kuwa maamulka gobolka iyo ka degmadda Burco.

Xafiisyadda uu soo maray waxaa ka mid ah xarunta dowladda hoose ee Burco, machadka tababarka shaqaalaha dowladda oo Burco laga hirgelin doono, xafiiska wasaaradda ganacsiga ee Burco, xafiiska wasaaradda Maaliyadda iyo cusbitaalka guud ee Burco.

Waxaanu kulan la yeeshay guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, ayaa sheegay in isku-duweyaasha gobolka ee wasaarradaha iyo haayadaha dawladu ay nasiib u heleen in ay guddoomiyaha haayadda shaqaalaha kala hadlaan waxyaabihii ay tabanayeen.

Farxaan Aadan Haybe, guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa sheegay kormeerkaasi uu ku tegay Burco uu ka mid yahay mid ay ugu kuur gelayaan xaaladda guud ee shaqaalaha gobolkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here