Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo soo bandhigay Fursaddo Waxbarasho

0
1085
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Gelle ayaa shaaciyay Deeq Waxbarasho oo shaqaalaha dawlada tartan loo galin doono.

Guddoomiye Sharmaake Geelle oo warsaxaafadeed uu soo saaray nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war qabadka ee HargeisaPress ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Fursad Deeq Waxbarasho “Shaqaalaha Dawladda”

Ku: Dhammaan Shaqaalaha Dawladda JSL

Adeegayaal,

Sida aad la socotaan, Sannad walba Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyaga oo kaashanaya Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa ay bixiyaan deeq waxbarasho oo ay ka helaan Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda ee Dalka Itoobiya (Ethiopian Civil Service University).

Haddaba, si taas lamid ah sannadkan waxa aanu Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda Ethiopia ka helnay deeq waxbarasho oo heerka labaad ah “Masters degree

Sidaa darteed, shaqaalaha Dawladda ee buuxiya shuurdaha hoos ku xusan waxa aan ku wargelinayaa in ay degdeg ula xidhiidhaan Wasaaradda/Ha’adda dawladeed ee ay ka hawl-galaan si ay fursad ugu helaan tartanka loo gelayo fursadahaa waxabarasho.

Shuruudaha Codsadaha:
1. Waa inuu/inay yahay/tahay Somalilander
2. Waan inuu/inay yahay/tahay shaqaale dawladeed
3. Waa inuu/inay ugu yaraan soo shaqeeyay/say 2 sanno
4. Waa in aanay da’diisu/da’deedu ka waynayn 45 jir
5. Waa inuu/inay haysto/haysato shahaadada jaamacadda heerka koowaad
6. Waa inay celceliska dhibcaha qalinjabinta shahaadada jaamacadda heerka koowaad yahay ugu yaraan (CGPA=3.50)

Kobcinta aqoonta shaqalaha dawladda iyo daah-rognaana fursadaha waxbarasho iyo shaqo waa halbeega hiigsiga u ah Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Sharmaarke Axmed Muxumed
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

LEAVE A REPLY