Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jsl Oo Soo Bandhigay Qorshe Halweedka Iyo Hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha Ee Sannadka 2020-Ka

0
692

Hargeysa (HargeisaPress)- Waxa maanta la soo  gebagabeeyay samaynta qorshe hawleedka sanadkan 2020 ee Hayada Shaqaalaha Dawlada oo dhamaan masuuliyiinta waaxyaha kala duwan, la taliyayaasha iyo madaxda mashruuca dibu habaynta Shaqaalaha ay ka wada qayb qaateen kaas oo diirada saaraya tayaynta shaqaalaha, kor u qaadista shaqada iyo adeega bulshada iyo taabagelinta si loo gaadhi lahaa dibu habayn dhamaystiran oo lagu sameeyo adeeg bixinta wasaaradaha iyo Hayadaha Dawlada iyadoo diirada la saaarayo kobcinta aqoonta iyo kor u qaadista adeeg bixiyayaasha oo ah Shaqaalaha Dawlada.

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Farhan Adan Haybe iyo Madaxda Hay’adda shaqaalaha Dawladda, ayaa kulan ay Xarunta hay’adda ee Hargeysa ku yeesheen, waxa lagu soo bandhigay Qorshe hawleedyada  Hiigsiga iyo Siyaasadda hay’adda shaqaalaha dawladda ee sannadka cusub ee 2020-ka.

DAAWO SAWIRRO

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

LEAVE A REPLY