Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jsl Oo Soo Bandhigay Qorshe Halweedka Iyo Hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha Ee Sannadka 2019-Ka

0
1011

“Qorshahan Ayaa Ku Wajahan Jaan-Goynta Hawlaha Shaqo Ee U Yaala Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Abuurida Hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha  Ee Sannadka 2019 Iyada Oo Loo Marayo Ujeedooyin Sannadaysan” Md Sharmake Axmed Muxumed Geelle

Hargeysa, (HargeisaPress) —Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa soo bandhigtay Qorshe Hawleedka iyo waxyaalaha halbeega iyo hiigsiga u noqon doona hay’addaasi sannadkan curtay ee 2019-ka waxaanay maamulka Hay’adda shaqaaluhu tilmaameen inay jiraan qorshayaal iyo shaqooyin badan oo shaqada ay qaranka u qaabilsan yihiin ay ku shaxaysteen sidii loo fulinlahaa qorshayaasaasi si jidka horumarka iyo himilada qaranka loo meel mariyo.

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmake Axmed Muxumed Geelle iyo Madaxda iyo Koomiishanka  Hay’adda shaqaalaha Dawladda, ayaa kulan ay Xarunta hay’adda ee Hargeysa ku yeesheen, waxa lagu soo bandhigay Qorshe hawleedyada  Hiigsiga iyo Siyaasadda hay’adda shaqaalaha dawladda ee sannadka cusub ee 2019-ka waxyaalaha u degsan inay fuliyaan kuwaasi oo la xidhiidha siyaasaddaha horumarinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda ee ay masuulka ka yihiin.

Md Sharmake Axmed Muxumed Geelle oo faahfaahin ka bixinaaya qorshe hawleedka sannadka 2019-ka ee bilawga ah iyo hiigsiga hay’adda shaqaalaha dawladda u qorshaysan waxa uu qoraalkiisu u dhigna sidan.

Diyaarinta Qorshe Hawleed-ka iyo Halbeega Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Sannadka 2019

-Madaxda Waaxaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay hogaaminayaan waaxda Qorshaynta ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa bilaabay diyaarinta qorshe-hawleedka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL ee Sannadka 2019

-Qorshahan ayaa ku wajahan jaan-goynta hawlaha shaqo ee u yaala Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo abuurida hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Sannadka 2019 iyada oo loo marayo ujeedooyin sannadaysan

-Madaxa Waaxda Qorshaynta ayaa sii wadi doonna ururinta qorsheyaasha waaxaysan ee Hay’adda iyada oo loo samayn doonno halbeegyo iyo jidadka loo marayo oo qeexan.

Jid iyo Jiho Cusub.

Dhinaca kale Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland oo durba guda gashay fulinta qorshe hawleedkeeda siyaasadda u degsan sannada 2019-ka ee horumarinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda la xidhiidha ayaa sido kale waxay hay’addu soo bandhigtay  248 qof oo shaqaalaha dawladda ee Derejadda (D)-da ka tirsanaa sido kalena hada loo bedelay shaqaaale hawleed waxaana md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixinayey arintani uu faahfaahintiisa ku yidhi.

-Kadib markii ay soo dhamaatay saxar-tirka diiwaanka mushahar bixinta JSL isla markaana laga sifeeyey magac-dii aan jirin ama aan joogin iyada oo meel-na lagu hubsaday inta jiifta ama sabab macquul ah ku maqan ayaa waxaa socda buuxinta kaalmihii shaqo ee soo bannaanaday

-Haddaba, Kadib markii ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u cadaatay in tiro badan oo kamid ah shaqaalaha derejada D “Shaqaale Hoosaadka” ka hawl-gala xarumaha kala duwan ee Dawladdu ay ku shaqayn jireen magac aanay lahayn kuwaas oo mudo badan aan heli jirin magac bedel iyo caawin midna!

-Si taas xal looga gaadho, kulamo badan oo arintaa laga yeeshay kadib Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyaga oo la fulinayo Amarka Madaxweynaha JSL ee tixraacaya go’aamadii kasoo baxay kalfadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirada JSL kaasi oo faraya in magac bedel loo sameeyo shaqaale hoosaadka derejada D halkaas oo kuwa imika shaqada haya loo sameeyo magac bedel isla markaana loogu bedelo magacdii la waayey.

Sharmake Axmed Muxumed Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland

LEAVE A REPLY