Guddoomiyaha Hay’adda Khayriyga Ah Ee Al-Raxma Al-Khayriya oo Baaq U Diray Ganacsatada iyo Shacabka Somaliland

0
699

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Hay’adda Khayriyga ah ee Al-Raxma Al-khayriya Sheekh Cabdala Maxamed Ibraahim, ayaa sheegay in Hay’addu ay kafaalo qaaday dad badan oo ay afuriso wakhtigan Ramadanta,madaama oo ay jiraan dad badan oo danyar ah oo aan awoodayn in ay helaan Afurka.

Dadweynaha reer Somaliland ayuu Guddoomiyuhu usoo jeediyey in ay ka qayb qaataan barnaamijka ay Hay’addaasi dadka dhimirka wax ka qaba iyo dadka danyarta ah ku afuriso ee Afuri Walaalka oo afur u baahan iyo barnaamijka kale ee lagu ciidsiiyo carruurta agoonta ah ee lagu magacaabo Ciyaalkaaga Agoon hala ciido oo ay Hay’addu sannad walba ciidsiiso.

Waxaanu ugu baaqay ganacsatadda iyo dadka wax haysta ee reer Somaliland in laysku tashado oo gacmaha laysu qabsado sidii loo ciidsiin lahaa, loona caawin lahaa dadka danyarta ah, derbi jiifta iyo agoomaha.

LEAVE A REPLY