Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada oo Kulan Yeeshay Shaqaalaha Hay’adda

0
598

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta guddoomiyay shirka billaha ahaa ee shaqaale-weynaha Hay’adda iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda.

Ujeeddada shirkan Hay’adda Dhawrista Tayada, ayaa waxaa uu daarnaa dardar-gelinta hawlaha shaqo ee ay Hay’addu Qaranka ugu xil saaran tahay.

Ibo furkii shirka ka dib, waxa halkaasi hadal kooban ka jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali.

Waxaanu halkaas uga soo jeediyey Shaqaalaha Hay’adda kelmed dhiirigelin ah oo taabanaysa in ay sida ugu hufan uguna heersarreysa u gutaan waajibaad-kooda shaqo.

Guddoomiyuha, ayaa u ballanqaaday shaqaalaha inuu diyaar u yahay isla markaana ay heli doonaan wax kasta oo fududaynaya gudashadada waajibaad-kooda shaqo iyo sidii ay qaranka ugu adeegi lahaayeen habka ugu tayada sarreeya aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba.

Waxa kale oo iyaguna dhankooda warbixin ku saabsan tabashooyinkooda shaqada ka soo jeediyey shirka qaar ka mid ah shaqaale-weynaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland.

Gabo-gabadii kullanka, waxaa soo xidhay Agaasimaha guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada Xamse Suldaan Aadan, isaga oo ku boorriyey shaqaalaha isku-xidhnaanta, wadajirka dhexdooda ah iyo muhiimadda iskaashiga dhanka shaqadu uu u leeyahay xafiiska iyo guud ahaan Qarankaba.

LEAVE A REPLY