Guddoomiyaha Golaha Dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo Shaaciyey Dib-u-dhac Ku Yimi Shirkii Golaha Dhaxe ee Xisbigaas+ Wakhtiga loo Muddooyey+ Sababta Dib-u-dhaca Shirka

0
909

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa shaaciyey in uu dib-u-dhac ku yimi shirkii golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo la filaayey in uu qabsoomo 10ka bishan aynu ku jirno ee October, waxaana ay sheegeen in shirka golaha dhaxe uu qabsoomi doono 19/10/2016 iyo 20/10/2016ka, isla mar ahaantaana uu ka qabsoomi doono magaalada Hargeysa.

 

Guddoomiyaha golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI Md.Cismaan Af-gaab, ayaa sidan ku sheegay mar uu maanta qeybo ka mid ah Warbaahinta uu kula hadlaayey xarunta dhaxe ee Xisbiga WADDANI, waxaana uu gebi ahaan taageerayaasha Xisbiga ee kala jooga gudo iyo dibad ba uu ku war-gelinayaa in ay sidaas ku oggaadaan dib u dhaca ku yimi shirkaasi, isaga oo ku sababeeyey in munaasibado soo dhaweyno ah oo loo sameynaayo siyaasiyiin iyo taageerayaal aad u tira badan oo ku soo biiraaya isla mar ahaantaana uu sii ballaadhanaayo Xisbiga WADDANI.

 

“Sida aynu la wada soconay hore na aanu u shaacinay, waxa ay ahayd in shirkii golaha dhaxe uu qabsoomo bishan aynu ku jirno 10-12/10/2016ka, ayaa waxa aanu halkan ka sheegaynaa in uu muddo Siddeed cisho ah uu dib u dhacay iyada oo sababtu na tahay xaflado loo qabanyo mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin miisaan culus iyo Xisbiga oo weli ba sii ballaadhanaya awgeed ay kaliftay arrintaasi, markaa halkii ay ka ahayd 10ka bisha ayaa waxa uu hada dhacayaa 19ka bishan iyo weli ba 20ka bishan aynu ku jirno ee tobnaad oo uu ku qabsoomi doono magaalada Hargeysa.”.Ayuu yidhi Cismaan Af-gaab

 

Md.Cismaan Af-gaab oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Xisbigu waa uu sii ballaadhay, deed na waxa mashquuliyey taageerayaal badan iyo mas’uuliyiin ku soo biiraaya, berito na ay xafladahoodii billaabmayaan, haddii Alle idmo na toddobaadkan soo socdaa uu noqon doono toddobaadkii xafladaha ee Xisbiga WADDANI ee mas’uuliyiinta ku soo biiraaya ee Xisbiga ka mid noqonaaya, markaa sidaas ayaanu ku war-gelinayaa dhammaan ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibad ba.”.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here