Guddoomiyaha G. Wakiiladda Oo Bogaadiyay Wareejinta Cirro Ee Xisbiga Waddani

0
357

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda somaliland ayaa si weyn ugu amaanay murashaxa jagadda madaxweynenimo ee xisbiga Waddani C/raxaam Cirro, tallaabadii uu guddoomiyenimadda xisbigaasi ku wareejiyay.
C/rasaaq Khaliif Axmed, waxa uu sheegay in go’aankaasi uu qaatay murashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro, ay noqonayso mid tariikhi ah, isla markaana uu libteedda kelidii isagu leeyahay oo aanay cid kale la wadaagin.
Inkastoo arrintaasi uu ku tilmaamay in ay ahayd mid ku timid go’aan ay qaateen hogaanka sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, hase yeeshee taariikhda noocaasi oo kale ah uu sameeyo hogaamiyuhu oo uu keligii leeyahay.
Waxa kaloo uu C/rasaaq Khaliif, intaas raaciyay tallaabadii uu C/raxmaan Cirro, guddoomiyenimadda xisbiga Waddani ugu wareejiyay Xirsi Cali Xaaji Xasan, ay noqonayso inuu jeexay dariiq hogaamineed.
Isagoo sidoo kalena ku bogaadyay xubnihii kale ee go’aankaasi ku taageeray C/raxmaan Cirro, waxaanu sheegay inuu rejo fiican ka qabo in tallaabadaas ay bilaw wanagsan u noqon doonto.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladu waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad xalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxa kaloo uu sheegay in C/raxmaan Cirro, uu yahay shaqsi caan ku ah inuu sideedda u fuliyo wixii balamo ah ee ay cid wada galaan.
Waxaanu tusaale u soo qaatay balan ay isaga iyo C/raxmaan Cirro, wada galeen dhawr sanadood ka hor oo ahayd xiligii xubno wasiirro iyo masuuliyiin kale ahaa oo uu C/rasaaq Khaliif na ka mid ahaa ay iska casileen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo.
C/rasaaq Khaliif Axmed, ayaa carrabka ku adkeeyay inuu kalsooni badan ku qabo in haddiiCirro, uu noqdo madaxweyne in wixii balamo ah ee uu dadka la gallo iyo waxa uu saaxiibadii la gallo intuba in ay ka fuli doonaan dhinaciisa.

DAAWO: C/rasaaq Khaliif Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargesa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here