Guddoomiyaha Degmadda Faroweyne Oo Ka Warbixiyay Qorsheyaashiisa Horumarinta

0
401

Faroweyne (HP): Guddoomiyaha cusub ee degmadda Faroweyne ee gobolka Maroodijeex C/raxmaan Siyaad Aadan, ayaa ka wwrbixiyay waxyaabaha u qorshaysan ee uu doonayo inuu wax ka qabto.
Waxaanu sheegay in waxyaabaha uu ahmiyadda koowaad siinayo ay ka mid yihiin inuu horumariyo kaabeyaasha dhaqaalaha, sida waxbarshadda, beeraha, xoolaha, caafimaadka iyo waxyaabo kale.

Guddomiyaha ayaa intaas raaciyay dhismaha Waddooyinka imika socda inuu dhiiri gelino, kuwa danbe ee iman doonana inuu soo dhawayno oo uu garab istaagayo.

C/raxmaan Siyaad Yoonis, oo uu todobaadkii hore uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, xilkaasi u magacaabay ayaa wasiirka uga mahad celiyay magacaabistiisa.

Geesta kale guddoomiyaha degmadda Faroweyne ayaa fariin u diray dhamaanba qorbe joogta, aqoon yahanka, ganacsatadda, dhalinyaradda, iyo waxgaradka ka soo jeedda degmadda Faroweyne.
Waxaanu ugu baaqay in deegaan walba horumarkiisa ay qayb ka qaataan bulshadiisu, sidaas darteedna bulshadda ka soo jeedda Faroweyne looga baahan yahay in ay horumarka degmadda kala shaqayeen.
C/raxmaan Siyaad Yoonis, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxa kaloo uu tilmaamay in ay ka maamul ahaan doonayaan in ay horumarka degmadda Faroweyne kor u qaadaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY