Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Baydhabo

0
64

Baydhabo (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad oo uu wehliyo guddoomiyaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen, guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo uu qeybta ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Wafdigan ayaa magaalada Baydhabo uga qayb galaya furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Maamulka Koofur-Galbeed, Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaadhay wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

 

Hargeisa Press Desk/Baydhabo Office.

LEAVE A REPLY