Guddiga Xakamaynta Covid-19 Ee Heer Qaran Oo Aqoon-Isweydaarsi Ku Qabtay Burco

0
282

Burco (HP): Guddida heer qaran ee xakamaynta iyo ka hortagga cudurka Covid19, ayaa magaalada Burco ka furay kulan ku saabsan kor-u-qaadida wacyigelinta bulshada xanuunkaasi maanta oo Salaasa ah, kulankaas oo socon doona muddo laba maalmooda.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday Gobollada Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag, ayaa waxa furay Xoghayaha guud ee guddida xakamaynta iyo ka hortagga Covid19 Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo uu weheliyo Badhasaabka gobolka Togdheer Nafaqo.
Md. Xuseen Aadan Cige Xoghayaha guddida xakamaynta Covid19 oo ugu horayn ka hadlay munaasibada furitaanka shirka, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada ay u qabteen iyo waxyaabaha lagaga hadlayo maalmaha uu socdo kulanku.
Xoghayaha ayaa sheegay in xoogga la saari doono sidii ka qaybgaleyaasha loo siin lahaa xog iyo macluumaad waafi ah oo la xidhiidha ka hortagga cudurka iyo xakamayntiisa.
Iyadoo qorshuhu yahay in kooxaha ka qaybgelayaa deegaamada ay ka yimaadeen kula noqdaan afkaar iyo aqoon dheeraad ah oo la doonayo inay ku dabaqaan xaaladaha ka jira gobolada ay metelayaan.
Xoghaye Xuseen-Dayr, waxa uu kula dardaarmay ka qaybgaleyaasha inay ka faa’idaystaan aqoonta la barayo iyo fikirradaha ka abuurmaya aqoon-isweydaarsigan.

Waxaanu ydhi “Xogta ka soo baxda aarra’da aad isweydaarsataan waxay noqon doontaa mid uu shaqadiisa ku dabaqi doono koox waliba gobolka ay ka timi xaaladaha u gaarka ah. hadday tahay dhinaca talaalka iyo hadday tahay dhinaca in bulshada laga wacyigeliyo xanuunkan”.
“Waan ognahay oo wacyigelintu aadbay u hoosaysaa, qaadashada talaalkuna aadbay u hoosaysaa, guud ahaan cidna kuma dhalacaysna oo duruufaha ayaa kelifay mar haddiisa talaalkii inoo yaallo waxa lagama maarmaan ah inay bulshadu talaalka qaadato. laba nooc ayaa inoo yaalla talaalka mid hal Irbad la qaadanayo iyo mid laba jeer ah la kala qaadanayo”ayuu yidhi Eng. Xuseen-Dayr.
Geesta kale guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Maxamed Cabdilaahi Ibraahim (Nafaqo) oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa uga mahad naqay guddida heer qaran ee ka hortagga COVID19 qabanqaabinta iyo diyaarinta shirkan.
Waxaanu ku amaanay dedaalka ay mar walba ugu jiraan sidii ay dalka uga badbaadin lahaayeen faafista cudurkan halista badan.
“Waxaan rajeynayaa in tababarkan uu ka soo bixi doono wax waxku-ool ah oo oo lagaga hortaggo, oo aynu bulshadeena kaga wacyigelino sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen xanuunkaas khatarta badan”ayuu yidhi Guddoomiye Nafaqo.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY