Guddiga Komishanka Qaranka Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Askar Goob Burco Ku Taala Ka Qaaday Sanduuqii Kaadhadhka Codbixiyayaashu Ku Jireen+Tirada Askarta

0
1213

Burco, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ayaa waxay sheegayaan in guddiga komishanka Qaranka Somaliland ay xabsiga u taxaabeen askar goob ku taala magaalada Burco ka qaaday xalay sanduuqii ay ku jireen kaadhadhka codbixiyayaasha gobolka Togdheer.

Tiradda askartan ayaa lagu sheegay inay ahaayeen 4 askari oo ahaa ilaaladii goobta laga qaadanayo kaadhadhka codbixiyayaasha oo ku taalay xaafada Qasabka ee magaalada Burco,kuwaas oo sanduuqii sida naloo sheegay geeyey saldhiga Faarax Oomaar ee magaalada Burco.

Askartan ayaa ku andacooday markii la waydiiyey sababta ay goobtii uu yaalay sanduuqu uga soo qaadeen in ay xaalad amni u keenen saldhiga,iyaga guddiga komishankuna ay talaabadaa ay aad uga xanaaqeen isla markaana xabsiga u taxaabay askartaasi.

Guddiga komishanka ayaa xidhay afartaa askari,iyaga oo ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Burco.

Warar taa ka duwan oo if baxaya ayaa waxay sheegayaan in askartani ay isku dayeen inay la baxsadaan sanduuqani xalay saacada Geeska Afrika markay ahayd 9:00 habeenimo,isla markaana la ogaaday sidaasna lagu xidhay.

Guddiga komishanka Qaranka Somaliland oo ana isku daynay inaan la xidhiidhno si aan wax uga waydiino warkan ayaanay noo suurto galin.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here