Guddiga Joogtadda Wakiiladda Oo Su’aallo Waydiiyay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

0
538

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddi hoosaadka joogtadda ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta u yeedhay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe.

Guddoomiyaha waxaa ku wehelinayay kulankaasi xubno ka mida komishanka hay’adda shaqaalaha dawladda.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa warfidiyeenadda faahfaahin ka siiyay kulankaasi iyo waxyaabihii ay wax ka waydiiyeen xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, guddoomiyaha guddi hoosaadka joogtadda ee Wakiiladda.

Waxaanu yidhi “Maanta waxaanu kulan la yeelanay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland iyo madaxdeedii kale iyo saraakiisheedii kale-ba way la joogeen. Hay’adaas oo ah hay’ad muhiim ah.

Sidii dhaqanku ahaa waxaanu ka waraysanay xaaladda  shaqaalaha. Haday nidaamyadoodda, haday tahay daryeelkoodda iyo  haday tahay xuquuqahooda-ba”.

Xildhibaan Ducaale, ayaa intaas raaciyay “Runtii warbixino shilis ayay naga siiyeen, ku tallo-galkoodda iyo siyaasadoodda iyo qaabka ay doonayaan in ay shaqaalaha u dhisaan. Xadiga shaqaalaha iyo  duruufaha jira.

Waxyaabahaas oo dhan ayay ka warbixiyeen. Xildhibaanaduna su’aallo fara badan ayay ka waydiiyeen”ayuu yidhi xildhibaan Axmed Ducaale.

Geesta kale waxaa isna ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen guddi hoosaadka joogtadda ee golaha Wakiiladda.

Waxaanu yidhi “Waxaanu uga waranay hawlaha hay’adda shaqaaluhu waddo iyo waxyaabaha qorsheyaasha ah ee ay rejayanayso in wax ka qabato iyo sida ay doonayso in ay u tayayso shaqaalaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo aanu iska waraysanay, qaab-dhismeedyadda aanu doonayno in aanu wasaaradaha dawladda u samaynayno, siyaasadaha aanu ansixinay  iyo ku tallo-galkayaga soo socda, ee aanu doonayno in aanu ku kala saarno derejadda shaqaalaha dawladda”.

Farxaan Aadan Haybe, waxa kaloo uu sheegay in waxyaabaha u qorshaysan ay ka mid tahay sidii ay dib u habayn ugu samayn lahaayeen shaqaalaha dawladda, isla markaana wax looga bedeli lahaa derejadda shaqaalaha ee hadda ay ku hawl galaan.

“Waxaanan doonaynaa in aanu kala saarno iyo xeerka shaqaalaha oo dhawaan aanu hor keeni doono golaha Wakiiladda.

Waxyaabahaas oo dhan waxaa looga dan leeyahay in la tayeeyo adeega bulshadda la siiyo iyo  in shaqaalaheenu noqdaan, qaar hanan kara shaqadda qaranka iyo horumarka aynu doonayno in aynu gaadhno”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY