Guddiga G. Wakiilladu U Saareen Xaaladda Laascaanood Oo Qodobo Soo Saaaray

0
281

Hargeysa (HP): Guddida Golaha Wakiillada Somaliland u saaray xaalada Laascaanood, ayaa ku taliyay in xabad joojinta la cusboonaysiiyo, in loo guntado in colaada wadahadal lagu dhameeyo iyo qodobo kale.

Guddida oo golaha wakiilada u gudbisay soojeedin 11 qodob ka koobaan, ayaa ku talisay in la dhaqan galiyo xabad joojin bilaa shuruuda, isla markaana dhamaan qaybaha bulshada, waddamada jaarka iyo beesha caalamkuba ka qayb qaadato daminta colaada.

Guddidu waxay golaha usoo jeedisay in uu dhamaan xoogaga hubaysan ee gurmadka ku yimid Laascaanood ugu baaqo in ay sida ugu dhakhsaha badan gobolka kaga baxaan, iyo in goluhu taageero ciidamada millateriga Somaliland.

Waxa kale oo ay golaha usoo jeediyeen in uu ku baaqo in gargaar la gaadhsiiyo dadka ku barakacay colaada, iyo in la dardar galiyo waxkasta oo xoojinaya midnimada iyo Qaranimada Somaliland, ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxay usoo jeediyeen golaha in wax laga barto qaladaadkii maamul ee ka dhacay Laascaanood si anay hagardaamo kale u iman, iyo in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka iyada oo la fulinayo heshiisyadii hore ee madaxda Khaatumo lala galay.

In la joojiyo hadalada bulshada sii kala fogaynaya, waxayna ugu danbayntii sheegeen in heshiis kasta oo la galo oo kasoo horjeeda qaranimada Somaliland aan la aqbali doonin.

Akhriso Qodobadda Ay Guddigu Soo Saareen:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY