Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Ku Dhowaaqay In Aanay Qaban-karin Doorashada Madaxweynaha

0
1351

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhowaaqay in ayna xilligeeda ku qaban karin doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku asteysan 13-ka November, taasoo uga sii dareysa xiisadda hadda taagan.

Qoraal ka soo baxay guddiga Doorashooyinka, ayaa waxaa lagu shaaciyey saddex qodob oo ay saldhig uga dhigeen go’aanka ay haatan ka soo saareen doorashada guud ee Somaliland.

Guddiga, ayaa go’aankooda ku sababeeyay arrimo farsamo iyo kuwo dhaqaale oo xilligan ka taagan Somaliland.

Go’aanka ka soo baxay guddiga doorashooyinka, ayaa waxa kale oo ay ku caddeeyeen in doorashada ay ku qaban karaan farsamo ahaan muddo 9 bilood  ah, ayna u baahanyihiin wakhti dheeraad ah.

Arrintaan, ayaa u muuqata mid uga sii daraysa xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ee ka taagnaa khilaaf ka dhashay doorashooyinka, iyadoo mucaaradka ay ku baaqayeen in doorashada lagu qabto xilligeeda.

Waxaa tallaabadan laga yaabaa in golaha Guurtida Somaliland ay kordhiyaan muddo xileedka Madaxweynaha.

Halkan hoose ka akhriso:-

1.In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.

2.In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.

3.Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

No photo description available.

No photo description available.

LEAVE A REPLY