Guddidii Go’aaminaysay Wakhtiga Kulanka EL-CLASSICO Laga Dhigayo oo Go’aan Gaadhay

0
1634

Madrid (Hargeisa Press)- Guddidii tartanka horyaalka La Liga ee loo xilsaaray inay shaaciyaan wakhtiga sida rasmiga ah dib loogu dhigayo kulanka ugu xiisaha badan kubadda cagta caalamka ee El-Classico ayaa go’aan rasmi ah gaadhay.

Kulankan ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu qabsoomo 26-ka bishan October ayaa dib loo dhigay kaddib kacdoono iyo xaalad aan wanaagsanayn oo ka jirta gobolka Catalonia oo sagaal siyaasi oo kasoo horjeeda la xidhay.

Kaddib dhacdadaas, Gudida tartanka oo go’aanka faraha looga qaaday ayaa isla qaatay in kulankan la ciyaaro 18-ka bisha December ku dhawaad sanadka cusub taas oo ah wakhtigii ay Barcelona iyo Real Madrid labadooduba soo jeediyeen toddobaadkii hore.

Si kastaba. Go’aankan kasoo baxay gudida ayaa ah mid kasoo horjeeda rabitaankii madaxda sarre ee La Liga kuwaas oo doonayay in 4-ta ama 7-da bisha la ciyaaro kulanka waxaana la filayaa inay taariikhdan la qorsheeyay dood ka keeni doonaan.

Madaxweynaha horyaalkaas ee Javier Tebas ayaa sheegay in taariikhda la doortay ay tahay mid keeni doonta ganaaxyo dhinaca xuquuqda TV-yada kaga yimaada oo ayna kaliya labada kooxood ganaaxyadaasi ku ekaan doonin balse dhammaan kooxaha horyaalka ay saamaynayaan.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here