Guddida Sare Ee Jaamacadda Hargeysa Oo Hurmuudka Laba Kuliyaddood Shaqada Ka Joojisay

0
972

BREAKING-NEWS-LOGO-3Hargeysa (HargeisaPress) — Guddida sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa shalay shaqadii ka fadhiisiisay Hormoodada Kuliyadaha Sayniska Axmed Maxamed Cadaad iyo Bussines-ka Keyse Cali Geedi , halka ay Hormoodada Laba Kuliyadood oo kala aha Sharciga iyo Imtixaanaadkana siiyey Digniino.

Go’aankan oo ay Guddida sare ee Jaamacadda (Board-ka) Hargeysa shalay qaadatay ayaa ka dhashay kadib markii koox Baadhayaal (Audit) ay ku waayeen Maamulka Eedo musuq maasuq oo ay si wadajir ah ugu soo Oogeen.

Hogaanka sare ee Jaamacadda Hargeysa oo fadhiistay markii Natiijada Baadhayaashu soo dhamaatay ayaa soo saaray go’aankan ay xilka kaga qaadeen Hormoodadii Kuliyada Sayniska  Axmed Maxamed Cadaad iyo Ganacsciga Keyse Cali Geedi ee Jaamacadda Hargeysa.
Sidoo kale, waxay Digniin kama danbays ah ujeediyeen Hormoodka Kuliyada Sahrciga iyo Ku-xigeenkiisa iyo Hormoodka qaybta Imtixaanaadka Jaamacadda Hargeysa.

Ilo wareedyo u dhuun daloola talaabadan Hogaanka Sare ee Jaamacadda Hargeysa ku talaabsadeen ayaa sheegaya in hore labada Hormood ee la Eryey u haysteen Digniino looga jeediyey falal ay hore ugula kaceen maamulka Jaamacadda, taasoo ay ka joogsan waayeen. Jaamacadda Hargeysa ayaa ku jirta Fasax sanadeedkii caadiga ahaa.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here