Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye Oo Shir Ku Yeeshay Hargaysa

0
530

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoomiyey shir ay isugu yimaaddeen guddiga fulinta ee xisbiga midnimada iyo horumarinta ee Kulmiye.

Shirkan oo ay ka qayb galeen xubnaha kala duwan ee guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye, ayaa ka mid ahaa hawl-maalmeedka shaqo ee guddidaasi xisbiga ugu igman tahay.

Waxaana lagu faaqiday qorsheyaasha xisbiga iyo dhammaystirka hawlaha u yaalla guddi ahaan.

Iyadoo shirkaasi ay ka soo qayb galeen madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha guddiga fulinta xisbigaasi.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye  Axmed Cabdi Dheere,  oo warbaahinta uga warbixiyay ujeeddada shirka, ayaa tilmaamay in shirku ku saabsanaa hawlaha xisbiga.

Waxaanu yidhi, “Shirkayagani waxa uu ahaa arrimaha xisbiga iyo sidii loo dar-dargelin lahaa arrimaha xisbiga, haddii ay doorashooyin inagu soo socda tahay iyo  shirarkii xisbiga haddii ay tahay-ba”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY