Guddida Dhismaha Jidka Hargeysa iyo Baligubadle oo faahfaahiyey Qadhaanka Laga Ururiyay Bulshada Maalintii Ciida, Baaqna u Diray Bulshada.

0
884

gudida wadaHargeysa,(HargeisaPress) — Guddida Gacanta ku haysa dhismaha Jidka Hargeysa iyo Gobolka Hawd isku xidha ayaa faahfaahin ka bixisay Lacagta qaadhaanka ah ee Maalintii Iida ay ku Ururiyeen Dadkii ku tukaday Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium. Waxay guddidu sheegtay in Lacag fiicani ka soo xarootay Maalintaasi.

Sheekh Mubaarig Muuse Faarax, oo ka mid ah Guddida Dhismaha Wadada Hargeysa iyo Baligubadle ayaa sheegay in Lacag wanaagsan ka soo xarootay taasi oo dadka qaarkii balan qaaday badhkiina bixiyay.

“Waxaanu shirkan jaraa,id u qabanay  inaanu si faah faahsan oo qurux badan u sheegno dhaqaalihii na soo galay ciidal Fidrigii ee aanu ka ururinay garoonka Hargeysa Stadium, waxaana nooga hir galay dhaqaale aad u fiican, wixii aanu  dadka ku qornay waxay noqdeen $44,597,  dhulk ii lagu  deeqayna waxa uu noqday 18 baloog. waxaana intaas dheerayd madaxweynaha oo maalintaas ku deeqay $100,000 aadna aan uga mahad naqaynaa lacagtaas uu sida gaar ah ugu deeqay anaga oo waliba ka rajaynayna in madaxweynaha iyo xukuumadiisu ay gacan mug leh oo xoog badan ka gaysan doonaan, waxa kale oo aanu aad ugu mahad naqaynaa dhamaan dadkii wax bixiyey haday tahay shirkii Afgarad 3 iyo haday tahay ciidal Fidrigii oo qof waliba bixiyey wixii uu helayey, waxaanan leenahay ilaahay haydinka abaal mariyo oo khayr ka hela miisaanka xasanaadkana ilaahay haydinku diro, xoolahiina iyo ubadkiinana ilaahay haydinku barakeeyo”

Guddida ayaa sidoo kale Bulshada Somaliland iyo dadka degaanka Wadada Baligubadle marto degaba ugu baaqay inay gacan ka gaystaan Dhismaha wadadaasi oo Dalka Muhiim u ah.

“Aniga oo ku hadlaya afka guddida waddada Balli-gubadle-Hargeysa waxaan dirayaa fariin odhanaysa jidku wuu dheer yahay wakhtiguna ma koobna jeebadeena yeynaan ka daalin inaynu gacanta kula jirno oo aynu ka soo saarno kolba wixii aynu awoodno markaas ayey wadaddu sidaas quruxda badan ee ay u socoto ay u soconaysaa, cid kasta oo ku balan qaaday oo xoolo,dhul ama lacag waxaanu ka codsanaynaa inay si deg deg ah noogu soo gacan geliyaan, waxaanan idinka codsanaynaa inaad sidaas noola shaqaysaan, shacabka Somaliland waxaanu leenahay wadddadani waa mid qaran mana aha mid reer leeyahay waana wado ay u siman yihiin guud ahaan shacabka Somaliland, waxaanan idinka codsanaynaa inaad wado kasta ka qayb qaadataan” Ayuu yidhi Sheekh Mubaarig.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY