Guddi Loo Saaray Xaalado Ka Soo Cusboonaaday Awdal, Selel iyo Sanaag

0
650

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Guddi u saaray inay ka soo Talo-bixiyaan xaaladaha Amni-xumo ee ka soo kordhay Gobollada Awdal, Selel iyo Sanaag.

Xaaladaha ka soo kordhay Gobollada Awdal iyo Selel ayaa waxa ka mid ah Jabhad la sheegay in laga aasaasay Gobolka Awdal iyo Murano dhuleed oo ka taagan Gobolka Selel, kaasi oo u dhexeeya Bulshada ku wada dhaqan Gobollada Awdal iyo Selel, halka Gobolka Sanaagna ay ka taagan tahay Colaad aan dhammaad lahayn oo u dhaxaysa laba beelood oo wada dega Degmada Ceel Af-weyn.

Arrimahan oo dhammaantood lid ku ah Amniga guud ee Qaranka Somaliland ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu u saaray Guddi ka kooban Lix xubnood oo ah Guddoomiyeyaasha Guddi hoosaasyada Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Guurtida oo Guddigaa ku dhawaaqaya ayaa yidhi “Labada Gobol ee la tilmaamayo (ayaan Guddi u saaray), Xoghaynta iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Odayaasha (Waxaan leeyahay) bal arrintaa soo ururrinteeda isugu taga, wixii Talo ah ee aad kala soo bixi kartaana soo jeediya oo ku soo dhakhsada yaynaan Kal-fadhiga la sugine, 7 Cisho idinku filan..”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa kale oo uu sheegay “Xildhibaan Nuur wuxuu yidhi kuma Filin Awdal ee ha lana xoojiyo, markaa waynu xoojin, markaa Guddiga aanu saarnay taanna ha ku soo darsato Talada (Jabhadda la sheegay in Awdal laga aasaasay)..” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here