Gud Faysal, Boqor Cismaan: Hadalkiinu ma Waafaqsana Dariiqyada Shareecada Islaamka ee xalinta Khilaafka.

0
612

Salaanta Islaamka ka dib, wadajirka iyo walaaltinnimada u dhexeysa ummada Islaamka ilaalinteeda Ilaahay SW si weyn ayuu inoogu adkeeyey, diinta Islaamkuna si adag ayey uga digtay cawaaqibkeeda qofkii xagal-daaciya, Ilaahay ha inoo adkeeyee.

Quraanka Kariimka aayado badan ayuu Ilaahay SW inoogu sheegay adkayta walaaltinnimada u dhexeysa ummada Islaamka iyo wadajirkooda, isla markaana la inooga digay tafaraaruqa, “Ha is khilaafina, oo Fashil keena iyo in awoodiinu wiiqanto’.

Insaanku inuu murmo muran aan dhamaad lahayn waa dabcigiisa, laakiin, marwalba shareecada Islaamku waxay innagu dhiirigelinaysaa inaynu khilaaf kastoo ummada dhexdeeda yimaada, xalkeeda laga raadiyo Kitaabka iyo Sunnaha, sida Ilaahay SW aayad kale macnaheeda inoogu sheegayo “Hadaad murantaan, u celiya Ilaahay iyo Rasuulkiisa, (Kitaabka iyo Sunnaha) xalka ka doona.

Shareecada Islaamku saddex dariiqo ayey inoo jiddaysay inaynu u marno helitaanka xalka khilaaf kastoo dhexdeena yimaada, oo kala ah 1. CAFISKA, 2. Dhexdhexaadin iyo 3. Maxkamadaha.

Maanta marka laga yimaado khilaafyo dhinacyo kala duwan oo guud ahaan dalkeena dhinacyo kala duwan sheegtaan, halkan waxaan qalinka ugu qaatay muranka ka taagan xubin ka tirsan guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland, oo dhowaan golaha Wakiiladu ansixiyeen, wallow, ay jireen cabashooyin laga muujinayey ka mid ahaanshahiisa, hadal maanta Gud xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe ugu jeediyey bulshada inay kaga falceliyaan, iyo mid hore Boror Cismaan AW-Maxamuud (Buur-Madow)  labaduba u muuqda mid inuu sii huriyo mooyee, xal inuu keeno aan la filayn, maadama ay ka baxsan yihiin saddexda dariiq ee shareecada Islaamku inoo jiddaysay inaynu u marno xalinta khilaafaadka.

Haddaba, anigoo ixtiraam badan u haya Gud Faysal, Boqor Cismaan waxaan kula dardaarmayaa iyaga iyo qof kastoo sifo baalmarsan dariiqyada diinteena Islaamku inoo jiddaysay u mara inuu kaga falceliyo ama ka raadiyo dariiqa xalka  khilaaf taagan ama mid mustaqbalka yimaada (Ilaahay ha innaga ilaaliyee) aanu faa’iido ka gaadhayn, maadama uu khilaafsan yahay shareecada Islaamka.

Ilaahay SW waxuu si adag inooga digay inaynu baalmarno qawaaniin uu inoo jideeyey raacitaankooda, sida aayad macnaheedu tahay “Uma sugnaan IKHTIYAAR rag iyo dumarka muslimiinta, hadii Ilaahay SW iyo Rasuulkiisu CS amar faraan…

Xadiis Nebiga CSW ayaa macnahiisu ahaa ‘Fidnadu way hurudaa, Ilaahay ha nacdalo qofkii toosiya’ Ilaahay dariiqa XAQA ha inna waafajiyo, dhamaan khilaafyada ummada Islaamka dhexdoodana taagana nabadgelyo ha ugu  dhameeyo, aamiin.

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye).

 

LEAVE A REPLY