Goobjoogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Kormeeray Doorashaddii Oo Arin Laga Xishoodo Ku Tilmaamay Xukuumadda Cusub Ay Somaliland Ka Dhalatay In Wariye Maxamed Dirir Xabsi Ku Jiro

0
1392
Hargeysa, (HargeisaPress) —Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa ee Kormeeraayey Doorashaddii Madaxtooyadda Somaliland ayaa Cambaareeyey Xadhiga Suxufi Maxamed Aadan Dirrir oo mudo Bil ka badan Xabsiga ku jira ka dib markii Maxkamaddi Xukun ku riday, waxaanay International EOM of Somaliland, ayaa ku dooday iyada oo Somaliland Xukuumad cusubi ay ka dhalay inay hadana sii socoto tacadiyadda loo geysanaayo Saxaafadda Xorta ahi inay arin aad looga xishoodo tahay.
Qoraal Kooban oo Barkulanka Facebook-ga ay ku leeyihiin ay soo dhigeen Goob-Joogayaashii Caalamiga ee Kormeeraayey Doorashaddii Madaxtooyadda Somaliland, ayaa iyaga oo soo xiganaayey qoraal ay bartooda Twiitterka ku cambaareeyeen ururka Caalamiga ee u dooda Xoriyadda Suxufiyiinta Afrika ee (The Committee to Protect Journalists /CPJ Africa) oo ay kaga hadlayaan Xadhiga Suxufi Maxamed Aadan Dirir.
International EOM Somliland 2017 waxay hadalkooda ku yidhaahdeen “Iyada oo Xukuumad Cusub oo Fulin ay Somaliland loo dooray, waxa la jooga wakhtigii ay ahayd in la dabar jaro Rikoodhkii hore u jiray ee tacadiyadda Saxaafadda loo geysto”
Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa ee Kormeeraayey Doorashaddii Madaxtooyadda Somaliland ayaa intaasi ku daray lifaaqa qoraalka ururka (The Committee to Protect Journalists /CPJ Africa) ay Xadhiga Suxufi Maxamed Aadan Dirir ku cambaareeyeen xadhiga loo geystay ee uu xabsiga ugu jiro mudada labada Bilood ku dhawaadka ah.
Suxufi Maxamed Aadan Dirir oo ka mida Warbaahinta ka hawlgasha magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa ka hor intii aanay doorashadda Madaxtooyadda Somaliland dalka ka dhicin Xabsiga loo taxaabay, isla markaana mudo Bil ka badan Xabsiga ku jira iyada oo Xadhig hal sano ka badan ay ku riday Maxkamadda Degmadda ee Hargeysa.
Xigasho: International EOM Somliland 2017

LEAVE A REPLY