Gole Ay Ku Midaysan Yihiin Baarlamaannada Somaliland iyo Kenya oo Nairobi Lagaga Dhawaaqay

0
3551

Nairobi (Hargeisa Press) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, ayaa ballanqaaday inay xukuumaddooda ka dalban doonaan dedejinta fulinta heshiisyadii dhexmaray Somaliland iyo Kenya, sida lagaga dhawaaqay munaasibad lagu abuuray Gole ka kooban baarlamaannada labada waddan, kaas oo qayb-qaadanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqan-dhaqaale iyo ganacsi.

Golaha Baarlamaannada Kenya iyo Somaliland, ayaa hormood u noqon doona diblomaasiyad baarlamaaneed oo taageerta dadaallada labada dowladood iyo sidii meesha looga saari lahaa wixii caqabado ah ee horyaalla wada-shaqaynta hay’addaha dowliga ah ee labada waddan.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Md Liibaan Yuusuf iyo Xildhibaan Sophia Cabdi Nuur oo laga soo doorto degmo-doorashada Ijara ee degmada Gaarisa ee dalka Kenya, ahna gudoomiyaha Golahan Cusub, ayaa magaalada Nairobi si wada-jir ugaga dhawaaqay dhismaha golaha Iskaashiga Baarlamaannada Somaliland iyo Kenya.

Xildhibaan Sophia oo munaasibadda ka hadashay, ayaa Somaliland ku bogaadisay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee 31 May 2021 ka qabsoomay dalka, waxaanay casuumad u fidisay xildhibaanada cusub ee loo doortay golaha Wakiillada Somaliland.

“Somaliland waxay caalamka u muujisay inay runtii tahay dal dimuqraadi ah iyadoo qabatay doorashooyin hufan 31-kii May,” ayay tidhi Sophia Noor.

Qorshaha Abuuritaanka Golaha Baarlamaannada Somaliland iyo Kenya, ayaa daba socda kulan bishii December 2020 magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya, waxaanay mudanayaasha baarlamaanka Kenya ku ballanqaadeen inay dowladooda ku riixayaan dedejinta & fulinta heshiisyada ku xusan war-murtiyeedkii ay kala saxeexdeen labada Madaxweyne.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf oo kulanka ka hadlay, ayaa ka mahadceliyay taageerada ay mudanayaasha baarlamaanka Kenya siiyeen Somaliland, waxaanu intaas ku daray in golaha cusub xoojin doono xidhiidhka ka dhexeeya sharci-dejiyayaasha labada waddan.

“Wada-hadalkan wuxuu door weyn ka ciyaari doonaa xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu yidhi Wasiir Liiban Yuusuf.

Munaasibadda lagaga dhawaaqay golaha Xildhibaanda Somaliland iyo Kenya oo loogu talagalay in lagu xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada wadan, ayaa ah waddo lagu dardar-gelinayo laguna dhiirrigelinayo is-dhex-galka gobolka iyadoo loo marayo iskaashi dhaqaale, ganacsi iyo nabadgelyo ayay ka soo qeybgaleen xildhibaano tiro badan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, Badhasaabo gobolada Kenya qaarkood, iyo martisharaf kale iyo  gabadh uu dhalay Raysal-wasaarahii hore Kenya Odinga oo lagu magacaabo Rosemary Odinga.

Waxa kale oo munaasibadda ka qayb-galay Badhasaabka Garissa Cali Korane, Badhasaab-xigeenka Isiolo H.E Abdi Issa, Xildhibaan Maxamuud Macalin, Mudane. Esther Passaris (Nairobi Women Rep), Mudane. Rehema Dida Jaldesa (Isiolo), Sen. Farhia Haji (Senator), Hon. Nasri Sahal, Mudane. Cabdikariim Cismaan (Faafi), Mudane. Kuulow Xasan (Baanisa), Mudane. Babu Owino (Bariga Embakasi), Hon. Mishi Mboko (Likoni), Hon. Ali Wario (Bura), Hon. Aadan Xaaji (Mandheera Galbeed), Amb. Abubakar Ogle.

Dhinaca Somaliland, waxa munaasibadda uga qayb-galay Sii-hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Liban Yussuf, Wakiilka Somaliland ee Kenya Danjire Baashe Cawil Wasiirkii Arrimaha Dibedda xukuumadii hore Kulmiye Maxamed Cabdillahi Cumar, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Ganacsato iyo muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ku nool dalka Kenya.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY