Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya Oo Lagu Dhawaaqay

0
495

Muqdisho (HP): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa galabta ku dhawaaqay xubnaha cusub ee golaha wasiirradiisa.


Golahan cusub ee xukuumadda federaalka ah oo ka kooban 26 wasiir, ka dib, wadatashi uu la sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S, Guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golaha wasirrada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.


Xamse, ayaa si xushmad iyo qaddarin leh uga codsaday xildhibaannada baarlamaanka in ay ansixiyaan golahan, marka la horkeeno, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isaga oo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo xukuumadda cusub.

Daawo: Khudbadda uu Ra’iisul Wasaare, Hamza Abdi Barre:


Geesta kale afhayeenka xukuumadda ahna Agaasimaha warfaafinta iyo Xidhiidhka Bulshada Farhan Jimale, ayaa ka akhriyay liiska Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo dhameystiran munaasabbaddii magacaabista oo galabta ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
DAAWO: Afhayeenka xukuumadda oo akhriyay golaha wasiirrada cusub:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY