Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo Ansixiyay Qaraar Cusub

0
1083

Muqdisho (Hargeisa Press) – Golaha wasiiradda Soomaaliya, ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay kaga hadleen arrimo kala duwan, waxaana shir guddoomiyey ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Kulankan, ayaa waxay ku ansixiyeen laba Hindse Sharciyeed iyo sidoo kale Qaraar la xidhiidha deegaannadii ugu dambeeyey ee ay ka xorreeyeen Al-Shabaab.

Qaraarka ay meel-mariyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya, ayaa ka kooban illaa 12 qodob oo dhammaan la xidhiidha deegaannada cusub ee ciidamada Soomaaliya ka saareen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jira amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey Shabaab iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Soomaaliya, ayaa anisixyey dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya, kuwaasi oo wax ka beddel lagu sameeyey.

Dhanka kale, Golaha Wasiiradda Soomaaliya, ayaa guddoomiye xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya u magacaabay, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cilmi Maxamuud Nuur.

LEAVE A REPLY