Golaha Wakiillada Somaliland oo war soo saaray, baaqna ujeediyay laamaha amaanka

0
1892

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shir-guddoonka aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo maanta Xukuumadu xabsiga u taxaabtay.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa xilli uu ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta.

Shir-guddoonka aqalka golaha Wakiillada, ayaa xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib ku tilmaamay mid sharcidarro ah.

Golaha, ayaa waxa uu sheegay in aan lagu soo war gelin in xildhibaanka loo qabtay isagoo faraha kula jira faldembiyeed, waxanu goluhu xusay in mudanaha la xidhi karo hadii la arko isaga oo fal-danbiyeed faraha kula jira.

Waxaanay shir-guddoonku ugu baaqeen laamaha amaanka in ay Xildhibaanka si dhakhso leh xorriyadiisa ugu soo celiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here