Golaha Wakiillada Somaliland oo Kala Diray Guddiga Komishanka Tamarta

0
1259

Hargeysa (Hargeisa Press) – Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay kala direen xubnihii guddiga Komishanka Tamarta Somaliland, iyagoo sheegay in magacaabistoodu sharciga khilaafsan tahay.

Xubnaha guddiga Komishanka tamarta oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuwaasi oo maamulayay islamarkaana masuul ka ahaa hawlaha la xidhiidha Tamarta iyo ka faa’idaysigeeda.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sidoo kale waxaa ay madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen in uu dib u soo magacaabo xubnaha guddiga Komishanka Tamarta.

Guddigan komiishankan tamarta, ayaa ahaa mid hawlihii Tamarta lagaga Madax-bannaaneeyay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo hore Qaranka ugu Qaabilsanayd hawlaha la xidhiidha Tamarta.

Sanadihii u dambeeyay waxaa Somaliland ka taagnaa khilaaf la xidhidha qiimaha korontada, ka dib markii inta badan Shirkadaha bixiya korontada ay kordhiyeen qiimaha Korontada.

Sikastaba, arrintan, ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawaan ay Komishanka Tamartu joojiyeen qiimo kordhin ay sameeyeen shirkadaha Korontada Somaliland, arrintaasi oo khilaaf ka dhex abuurtay Komishanka iyo Shirkaddaha Korontada.

LEAVE A REPLY