Golaha Wakiillada oo Faysal Cali Waraabe Ku Oogaya Dacwad Sababi Karta 5 Sano oo Xadhig Ah

0
1777

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddida joogta ah ee Golaha Wakiillada ayaa sheegay in Golaha Wakiillada Somaliland uu kalsoonidii iyo wadashaqayntii kala noqday Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddiga oo maanya Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiillada ayaa iyagoo daliishanaya Qodobbo ka mid ah Dastuurka waxay sheegeen inuu Guddoomiyuhu ku gefay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doorto Gobollada bariga, sidasi darteedna ay soo jeedinayaan in xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland inuu kusoo oogo eedaymo salka ku haya Kicin dadweyne oo ay sheegeen inuu ka dhalan karo xadhig u dhexeeya 6 Bilood ilaa 5 sano oo uu wajihi karo Gudoomiyaha xisbiga UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here