Golaha Wakiiladda Somaliland Oo U Mahad Celiyay Xildhibaan Gavin Williamson

0
355

Hargaysa (HP): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa u mahad celiyay xildhibaan Gavin Williamson, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska oo maanta horgeeyay golaha dalka UK doodiisa aqoonsiga Somaliland.
Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee golaha Wakiiladda Somaliland Maxamed Xuseen Raanbo, oo hadal ka jeediyay fadhigii saaka ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa golaha ka codsaday inay hambalyo u diraan Mr. Gavin Williamson.
Doodad uu Mr. Gavin Williamson, maanta hor geeyay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska ee loo yaqaan House of Commons, ayaa la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Xildhibaan Raanbo, waxa uu sheegay in Mr. Gavin Williamson, uu si dhow ula socdo arrimaha dimoqraadiyadda iyo qadiyadda aqoonsi raadinta ee Somaliland.

Waxaanu ku hanbalyeeyay Gavin Williamson, dedaalka uu sameeyey iyo talaabada hor-u-socodka ah ee uu u qaaday xoojinta xidhiidhka labada dal ee UK iyo Somaliland.
Raanbo, ayaa intaas raaciyay in Mr. Gavin Williamson, uu hore u yimid Somaliland, isla markaana waxa uu xog ogaal dhaw u yahay horumarka dal dhis iyo dawlad dhis ee aynu gaadhnay sodonkii sanadood ee u danbeeyey.
Geesta kale guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee golaha Wakiiladda Somaliland waxa uu sheegay in ay ka guddi ahaan si dhaw ula socdaan dedaalada ka socda meelo badan oo ka mid ah dunida oo ay xukuumadda iyo shacabka qurbo joogga ah ee Somaliland ka wadaan si loo hello xidhiidh wanaagsan iyo ictiraaf aynu adduunka la yeelanno.

HALKAN KA DAAWO: Hadalkii Uu Xildhibaan Raanbo U Jeediyay Golaha Wakiiladda Somaliland:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here