Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay In Isku Mar La Qabto Doorashooyinka

0
470

Hargaysa (HP): Golaha Wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa wax ka bedel ku sameeyay xeerka doorashooyinka guud ee XL./14.
Waxaanay cod gacan taag ah mudaneyaashu ku meel mariyeen la isa saaro ama isku mar la qabto labadda doorasjo madaxtooyadda iyo doorashadxa ururadda siyaasadda.

Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi C/rasaaq Khaliif Axmed, ayaanay xildhibaanadu ku ansixiyeen isku mar la qabto labadda doorasho.
Waxaana fadhiga maanta ka soo xaadiray 52 mudane oo ka tirsan 82-ka xildhibaan ee golaha Wakiiladda Somaliland ka kooban yahay.
Iyadoona markii codka gacan taagga ah loo qaaday ay ogolaadeen in isku mar la qabto labada doorasho ee madaxtooyadda iyo ta ururadda 33 mudane, halka ay 19 xildhibaana ka aamuseen.
Ma jirin cid diiday. guddoomiyuhuna muu codaynin.
Waxaana sidaa ansax ku noqday mooshinka sharci ee xeerka doorashooyinka guud ee Somaliland Xeer Lr./12.
DAAWO: Codaynta mooshinka wax ka bedelka xeerka Doorashooyinka Somaliland:

Geesta kale tallaabadani ayaa ka dhalatay kadib markii ay xubno ka tirsan xildhibaanadda golaha Wakiiladu soo jeediyeen tallo soo jeedin sharci oo la xidhiidha in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka.

Waxaan tallo soo jeedintaasi sharci fadhigii maanta ee golaha ka hor akhriyay axaa Xoghaya Guud ee Golaha Wakiilada.
DAAWO: Talo Soo Jeedinta Sharci Waxaa Akhriyay Xoghaya Guud:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here