Golaha Wakiiladda Oo Kulan La Yeeshay Xubnaha Cusub Ee Komishanka Doorashooyinka

0
654

Hargaysa (HP): Guddi hoosaadka arrimaha gudaha iyo nabadgeliyadda ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka ee dhawaan la soo xulay.

Waxaana la sheegay in kulankaasi ay xildhibaanadu su’aalo ku waydiiyeen xubnaha komishanka doorashooyinka oo ay dhawaan soo kala xuleen golaha Guurtidda, labadda xisbi mucaarad iyo madaxweyne Biixi.

Kulankaasi oo warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa weriyeyaasha faahfaahin ka siiyay xildhibaan C/laahi Xuseen Balaaki, ayaa sheegay in lix xubnood ay  kulanka la yeesheen halka hal xubin ay ka maqnayd.

Waxaanu yidhi, “Guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgeliyadda ee golaha Wakiiladda Somaliland, maanta waxay kulan la yeesheen xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland.

Kuwaasoo uu dhawaan madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u soo gudbiyay golaha Wakiiladda.

Xubnahaas oo ka kala yimid, meelaha dastuurka iyo xeerarku ay sheegayaan. Lix xubnood ayaa nala jooga, hal xubin ayaa maqan”.

Geesta kale xildhibaan Balaaki, waxa uu tilmaamay in iyagoo ka duulaya qodobka 13aad ee xeerka doorashooyinka Somaliland in guddi hoosaadka arrimaha gudaha Wakiiladu ay guddo geli doonaan qiimaynta shuruudaha looga baahan yahay in uu buuxiyo qofka la doonayo in uu xubin ka noqdo komishanka doorashooyinka.

“Guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha Wakiiladdu, iyagoo cuskanayna qodobka 13-aad ee xeerka doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo madaxtooyadda ee  Somaliland iyo komishanka qaranka.

Wuxuu guddo geli doonaa hawlaha la xidhiidha shuruudaha looga baahan yahay in ay buuxiyaan guddiga doorashooyinka ee cusub, qof kastoo ka mid ahi, shuruudaha xeerku sheegayo in ay buuxiyeen iyo in aanay buuxinin, guddigu markay dhamaystirto ayay u gudbin doontaa golaha”ayuu yidhi xildhibaan Balaaki.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here