Golaha Wakiiladda Oo Dood ka Yeeshay Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Macdanta

0
422

“Macdan kastoo dhulka Oogadiisa laga hello waa hanti ay leeyihiin shacabka reer Somaliland iyadoo la raacayo sida uu dhigayo dastuurku…” xildhibaan Jimcaale Axmed Cilmi

Hargaysa (HP): Mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay dood ka yeesheen Wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Macdanta Somaliland oo ay dib ugu soo celiyeen golaha Guurtidda ooh ore loogu gudbiyay.

Fadhiga maanta ee golaha Wakiiladda oo noqonaya fadhigii 16aad ee kal-fadhiga 4aad oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi Siciid Mirre Faarax (Giirre), ayaa mudaneyaasha loogu qaybiyay wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Macdanta.

Xeerkaasi oo ay hore u ansixiyeen golaha Wakiiladu, isla markaana ay u gudbiyeen golaha Guurtidda oo kaabis iyo wax ka bedel ku soo sameeyay ayaa ka kooban 137 qodob.

Ka hor intii aanay mudaneyaashu guddo gelin doodad xeerkaasi ayaa guddoomiyaha guddi hoosaadka Khayraadka dabiiciga Deegaanka, Wax soo saarka iyo Tamarta ee golahaasi xildhibaan Mubaarik Muuse Ismaaciil, waxa uu golaha ka hor akhriyay qodobadda uu xeerku ka kooban yahay, iyo ahmiyadda uu qaranka u leeyahay.

Intaas ka dib ayaa xubnihii isku diiwaan geliyay doodad xeerkaasi waxay ka dhiibteen doodoodda, iyadoona ay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen qodobadda xeerkaasi ku jira iyo faa’iidadda iyo khasaaraha uu dalka, deegaanka iyo dadkaba u leeyahay.

 Xildhibaanadii maanta ka qayb qaatay doodad xeerkaasi waxaa ka mid ahaa xildhibaan Jimcaale Axmed Cilmi, oo tilmaamay in xeerkaasi uu ahmiyad weyn u leeyahay qaranka, hase yeeshee aanu xeerku taabanaynin arrimo khuseeya xuquuqda ay leeyihiin bulshadda deegaamadda macdanta laga baadhayo ama laga qodayo.

Xildhibaan Jimcaale Axmed Cilmi, oo isagu si aad ah uga hadlay xeerka Macdanta, iyo qodobadiisa kala duwan ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda xeerka iyo arrimo kala gedisan oo u ku jira oo u baahan in la cadeeyo, ama la qeexo.

DAAWO: Doodda Xildhibaan Jimcaale Axmed Cilmi:

 
Geesta kale waxaa xeerka Macdanta ee maanta doodoodda ka dhiibtay xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf, xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, xildhibaan Eng. Axmed Cabdi Ibrahim, iyo xildhibaan Cali Jaamac Caraal.
 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here