Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Loo Kordhiyey Laba Sanno oo Ay Sii Fadhiyaan+Dareenka ay Ka Bixiyeen Xisbiyada Mucaaridku

0
709

Hargeysa,(HargeisaPress)- Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Loo Kordhiyey Laba Sanno oo Ay Sii Fadhiyaan+Dareenka ay Ka Bixiyeen Xisbiyada Mucaaridku.

Illaa 70 Mudane oo ka mid ah xubnaha Golaha Guurtida ayaa u codeeyey in muddo labo Sano ah loogu daro Golaha Wakiilada, taas oo noqoneysa muddo kordhintoodii lixaad.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray Golaha Guurtidu iyaguna ay kororsadeen muddo saddex sano ah oo ay sii shaqeyn doonaan golahaasi.

Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada ee Somaliland ayaan wax doorasho ah gelin muddo ku dhow 15 Sano, waxaana mar walba ay sameysanayeen muddo kororsi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa xukuumadda Muuse Biixi iyo hoggaanka xisbiga Wadani ay ka taagan tahay deegaanada  Somaliland, taas oo sababtay rabshado ka dhacay gudaha magaalooyinka maamulkaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkan Oo Faahfaahsan.

LEAVE A REPLY