Golaha wakiilada Somaliland oo loo qeybiyey xeerar ka soo noqday Golaha Guurtida .

0
694

Hargeysa,(HargeisaPress) -Fadhigii maanta Ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu shirgudoomainaayey Gudoomiyaha Golahaasi Cabdiraisaq khaliif Axmed ayaa xeerarkaas loo qeybiyey xildhibanada golaha wakiilada, waxa ka mid ahaa wax ka badelka xeerka sahaminta shidaalka iyo soo saaristiisa xeer lambar 95/2021 iyo wax kabadelka xeerka shaqaaha dowlada xeer lambar 97/2021.

Dhinaca kale xildhibaan Xasan Cumar Xasan (Xasan Ogaal) ayaa wakalada wararka Somaliland SOLNA u sheegay in xeerarkani yihiin qaar ahmiyad balaadhan u leh wadanka, waxaanuu intaas ku daray in loo baahan yahay in xildhibaanada golahaasi xeerarkaas xil iska saaraan.

Uge dambeyntina shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa xildhibanada golahaasi u soo jeediyey in ay soo akhriyaan xeerarkaasi, isla markaana goluhu dood ka yeelan doono wax ka badelka iyo kaabista ay ay ku soo sameyan doonaan , iyadoo goluhu waajibaadkooda ka gudan doonaan marka dib loogu soo celiyo kulamada danbe.

HargeisaPress News  Desk  – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here