Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansixiyey Miisaaniyada 2020-ka

0
1851

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ansixiyey Miisaaniyadda 29-aad ee dowladda dhexe iyo hay’addaha madaxa-bannaan ee Somaliland ee 2020-ka, taasoo noqonaysa miisaaniyaddii ugu badnayd ee ay Somaliland yeelato 29 sannadood, isla markaana dhawaan loo gudbiyey Wakiillada markii ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen ka dib.

Oddoroska Miisaaniyadda dowladda Somaliland ee 2020-ka iyo lifaaq ay raaciyeen Guddiga dhaqaalaha ee Golaha, oo toddobaadkii u dambeeyey iyagu gacanta ku hayey oddoroska Miisaaniyadda sida sharciga goluhu dhigayo, waxaaanay Xildhibaannadu ku ansixiyeen aqlabiyad.

Fadhiga Sabtidii maanta ee Wakiillada oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Baashe Maxamed Faarax, waxaa ka xaadiray 49 Xildhibaan, waxaana gacanta u taagay in la ansixiyo Miisaaniyadda iyo lifaaqa Guddiga dhaqaalahaba 42 Xildhibaan, 7 Mudane ayaa diiday, cid ka aamustay ma jirin, Guddoomiyuhu muu codayn, sidaas ayaanay ku ansaxday Miisaaniyadda 2020-ka; sida uu guddoomiye Baashe ku dhawaaqay.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY